Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in degmada Barmiil katirsan gobolka Nogob lagu xidhay gabadh shacab oo kamida muwaadiniinta degmada.

Asiya Maxamed ayaa laxidhay saaka, waxaana lageeyay xabsi kuyaala xerada ciidanka gumeysiga. Ilaa hada lama garanayo sababta loo xidhay gabadha.

Shacabka Ogadenia waxaa dhibaatooyinka kala duwan kaga imaanaya dhinaca gumeysiga itoobiya, waxaana ilaahay ka baryayna inuu ka dul qaado gumeysiga Abyssinia.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.