Guud ahaan gobolka Liibaan waxa ka jira adeeg xumo ay ka cabanayaan shacabku kuwas oo dhanka dawlada ay shacabku ka sugayeen, waxaana u darran degmada Dheka Sufti ee gobolkaasi.

Shacabka kudhaqaan degmada Dheka Sufti ayaan wali helin adeeg isgaadhsineed oo kufilan iyagoo baahi wayn uqaba adeega isgaadhsiinta, mana jirto dowlad ama mamuul u maqan shacabka ku dhibaataysan degmada Dheeka Sufti.

ilaa hada shacabkan oo ah kuwa ay ka muuqato baahida ayaa baaq u diray xukumada deegaanka, hadana kama aysan soo jawaabin mamuulka Jigjiga, siido kale weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxweynaha Mustafa Cagjar oo ku aadan dhibaatada ka jirto degmada Dheka Sufti.

Halgan Media.