Sawiir : Guleed Cali Gari 

Guuleed Cali Gari oo noqday sanadkii 2007 gudoomiyaha gobolla Dollo mudo badan haystay xilka Gobolka ayaa kadib markii eedaymo loo soo jeediyay inu xasuuq ka gaystay gobolka kadib markay warqad amar ah qaaditaan dacwad ka soo baxday maxkamada federalka kuna amrayso maxkamada deegaanka ayay waxay ka cadhoodeen shacabku marku dhawaan waraysi u bixiyay ku sheegay dhibatadu gaystay in ay ansixiyeen barlamaanka Itoobiya.

Amarka oo ay soo sareen barlamaanku ana aan ahaa fuliye arinkaas oo aad oga cadhaysiiyay shacabka ayay waxay ku tilmaameen wax baa kama jiraan iyo kutumasho sharci markale.

Hadaba dad aad u tiro badan oo lahadlay saxafadaha xorta ah ayaa waxay sheegeen Guleed Cali Gari inuu gobolka ka gaystay xasuuq wadareed kaas oo ay ku tilmaameen shacabka Dollo lama halmaaman waa siday hadalka u dhigeen.

Goob jooga yaasha iyo qaar ka mid ah maamulkiisii xogogaala u ahaa ficilada Guleed Cali Gari ayaa waxay sheegeen inu ahaa xasuuqiisu mid aar-gos qabiil ah taas oo ka baxsan qorshaha dawladnimo iyo tastuurka dalka sida darteed arinkaas oo Guleed ku sameeyay dhac xoolo badan geell iyo adhi iyo dil dad aan waxba galabsan halka oo qaara u gacan galiyay ciidankii Itoobiya qaara ay layeen meleshiyaankii ka amar qadan jiray dilkoodana u ku amray.

Xoolaha u dhacay ayay shacabku waxay si gaar ah uga xuseen 160 halaad oo ay lahayeen heer sheikh muuse macalin ama abdikariin sheikh muse (qalbi dhagax)

Geelaas oo caan ka ah heer Dollo qara u bosaso u safristay soo gatay Guleed qaara u u qali jiray habayn baa hal maleshiyadii gobolka dollo.

Sido kale shacabku waxay cadeeyeen in boqolaalan shacab ah u ku riday xukuno dhadheer ugu yaran 8 sano ugu badnaan 20 sano dadkaas oo silic ku soo mutay jeelka loo yaqaan Jeel Ogaden sida darteed shacabka oo ku tilmaamay in gaystay dhaqan ka naxsan bili-aadan tinimada ayaa waxay ka dalbanayaa lamaha cadalada ee deegaanka iyo dawlada federalka in loo hor keeno Guleed Cali Gari oo ahaa gudoiyihii gobolka Dollo.

Niinkas oo oga dara xasuuqii wadareedkii ciidamadi TPLF si guud ugu hayeen gobolka Dollo ninkan oo gaystay bay dhaheen xasuuq aaro iyo aano qabiil dabasocotay gobolka Dollo waa siday hadalka u dhaheen cabashadoodana ku mujiyeem shacabka reer Dollo.

Halgan Media