Tan iyo marku isbadalku ka dhacay deegaanka ayaa waxaa soo cusboonaday colaadaha qabiiliga kuwaas oo ka bilaamay dhul daaqsimeed iyo deegamayn cusub.

Hadaba badhitaan aan ka samaynay colaadahan ayan waxan ku soo ogaanay 48 gobood oo ka mid ah gobolada deegaanka inay ka jiraan colaado sokeeye deegaanka Somalida oo ka kooban 11 gobol ayaa mid kasta ka socda isku dhacyada qabiiliga ah waxana ugu daran gobolada Dollo, Qorahay, Shabelle iyo Erer, halka oo qaarkood dhiig badan ku daatay.

Hadaba ka dib marku dhacay isbadalku dadkeena oo laa rabay inay ka faa’iidaystan lana jaan qaadan marxalada siyaasadeed ee deegaanka iyo dalka ayaa dib isugu noqdeen shacabku.

Sidan wada ognahay shacabkeena oo siyaasad ahaan laysugu laayay hada ka hor ayaa baaqigii ka soo hadhay laa doonayaa in qabiil ahaan ama colaado qabiil laysugu layo colaadahan oo ay hurinayaan ama dabada ka riixayaan shaqsiyaad iyo siyaasiyiin dan leh ayaa doonaya inay shacabka dhiigooda isku daadiyaan.

Hadaba goobo cusub oo hor leh ayay ka soo cusboonadeen sida gobolka Dollo tulada Xodole iyo tuulada Higlo halka oo ay ku kala dhex jiraan shacabka ciidanka Liyuuga sido kale gobolka Shabelle degmada Dhanaan tuulada Hoomay sido kale gobolka Qorahay degmada Shilaabo tuulada Tuulo-Cawil.

Majirto xal ama tilaabo lataaban karo oo ay ka qabatay dawladu walow goobaha kale colaadihii ka huray qaarkood ay damiyeen madaxda ururka ONLF.

Hadaba dhibaatooyinkan oo ka bilamay dhul daaqsimeed iyo deegamayn cusub ayaa qolo kasta sheeganaysa mulkiyada dhulka halka oo ugu danbayn keenta gacanka hadal majiraan odayaal dhaqameedka iyo dawlada oo olole ka dhan ah wada.

Si ay xal oga gaadhan arimahaa arinta kale ee halisteeda wadata waa is hubayn balaadhan oo ay samaynayaa qabaa’ilada deegaanku si ay ugu kala aar goostan dhiiga shacabkuna ugu daato sida darteed wakalada wararka xorta ah ee halgan media ayaa badhitaano ay samaysay ku soo ogaatay isqabqabsiga dhulka iyo colaadaha beelaha walala ah.

Hadba hadaan xal deg-deg ah laga gaadhin waxa si fudud isugu daadan doona dhiiga shacabka hanbada ah arintaas oo curyaamin doonta midnimada iyo wada jirka qomiyada Somalida madama hardan siyaasadeed kala dhaxeeyo qoomiyadaha kale ee dalka Itoobiya.

Halgan Media.