War goor dhaw ay heshay Wakaalada Wararka ee Halgan Media ayaa sheegaya in shacabka kasoo jeedo Qomiyada Wolayta qorshaynayaan banaan bixii abid ugu waynaa ee ay dhigaan, Sida warku sheegayo.

Kacdoon wadashaasha ayaa qorshaynaya in ay mardhow dhigaan banaan bax aad uwayn oo kadhici doona magalaada Sodo ee Ismaamulka Shucuubta Koonfureed. Ila lagu kalsoon yahay oo udhow kacdoon kacdoon wadayaasha ayaa sheegaya in la diyaariyay nus milyan banaan baxayaal ah oo isugu soo bixi doona magaalada Sodo ee Ismaamulka Shucuubta Koonfured,

Sidoo kale Gobolada kale ee dhulka Wolaita ayaa laga soo sheegayaa in uu kasocdo abaabul balaadhan oo ladoonayo in laysugu soo baxo, siidi ay Qomiyada Wolayta heli lahayeen mamuul gooni oo ka madaxbanaan Ismaamulka Shucuubta Koonfured.

Hoos Ka Akhriso Bayaanka

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.