Masuuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in Meng Hongwei, oo ah madaxa hay’adda booliiska caalamiga ah ee Interpol oo la waayey ku dhawaad labo toddobaad kahor, in lagu baarayo gudaha dalka Shiinaha tuhun la xiriira meel ka dhac dhanka sharciga ah.

Mr Meng ayaa lasoo xidhiidhay qoyskiisa 25-kii bishii hore ee September kadib markii uu ka amba baxay magaalada dalka Faransiiska kutaal ee Lyon oo xarun u ah Interpol. Xaskiisa Grace Meng ayaa bulshada caalamka ka codsatay in ay gacan ka siiyaan sidii ay saygeeda u heli lahayd.

Saraakiisha Shiinaha ayaa xaqiijiyay wax dad badan ay aaminsanaayeen, taas oo ah in Meng Hongwei xabsiga loo taxaabay markii diyaaradii sidday ay caga-dhigatay dalkaasi, waxaana ku socda baaritaan ku saabsan xeerarka uu jebiyay oo aan la shaacin.

Wararka sheegaya in la qabtay ayaa waxaa baahiyay guddiga qaran ee la dagaalanka musuq maasuqa ee xukuumadda Beijing, kaasoo tilmaamay in Meng lagu qabtay howlgal ballaraan oo musuq maasuqa ka dhan ah oo uu amray madaxweyne Xi Jinping, kaasoo horseeday in toddobaadyo ama bilo dhowr ah la waayo masuuliyiin sar sare.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.