Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Doolo.
Shilkan ayaa yimid, kadib markii laba gadhi isku dhaceen ayaga oo marayay agagaarka deegaanada Yucub ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa 2 Qof ayaa ku dhaawacantay shilkaasi, sida ay Halgan Media u xaqiijiyeenl dad Goobjoogayaal ah.
Inta badan shilalka ka dhaca Gobolka Doolo ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka iyo Darawallada oo si xawli ah u kaxeeya Gaadiidka, xilli ay ku socdaalayaan gobolkaasi.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.