War ka soo baxay dowladda federaalka Itoobiya ayaa waxaa lagu shaaciyay in magaalooyin ka mid ah dhulka Itoobiya ay ku qabteen 12 xubnood oo ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al shabaab ka dib markii howlgal Ciidamada Itoobiya ay sameeyeen lagu soo qabqabtay labadii maalin ee la soo dhaafay.

Warbaahinta dowladda Itoobiya wararka ufaafisa oo warkan laga baahiyay ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxahan ka titsan Daacish iyo Al shabaab Itoobiya ay ka soo galeen dhanka xadka ay la wadaagaan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ka dibna war sirdoonka Itoobiya ay heleen lagu ogaaday in dhulka Itoobiya Kooxahan ay soo galeen sidaasna lagu qabqabtay.

Kooxahan oo ka kooban 12 Rag ah ayaa dowladda federaalka Itoobiya waxay ku sheegtay inay iskuuga jiraan ajanabi iyo Soomaali iyadoo muddo kooban ku sugnaa dalka Itoobiya Account-no kala duwan ka samaystay Shirkadaha Xawaaladaha ee ku yaala Magaalooyinka laga soo qabqabtay.

Warbaahinta ka howlgasha dalka Itoobiya ayaa baahiyay Sawirada Raggan gacanta lagu soo dhigay ee ka tirsan Kooxaha Daacish iyo Al shabaab xili ay qorshaynayeen inay weeraro dhiig ku daato ay ka fuliyaan magaalooyin katirsan Itoobiya.

Xubnahan sirdoonka Itoobiya ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin Kooxaha Daacish iyo Al shabaab ayaa waxaa laga soo qab qabtay  magaalooyinka Addis Ababa,Jigjiga,Diridhaba iyo Mooyaale ee Degaanka Somalida iyagoo sidoo kale lala soo qabtay agab ay ku howlgalayeen sida sirdoonka Itoobiya ay sheegen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.