Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka waxaa caawa lagu soo gaba gabeeyay shirka arimaha Soomaaliya, kaasi oo shalay ka furmay magaaladaasi.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda dowladda dhexe oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada, Ururada bulshada raydidka, Ganacsato iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan wajigiisa Koowaad uu shalay furay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa si aad ah loogaga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin ammaanka, Xalinta khilaafaadka, Ganacsiga Doorashooyinka dalka 2020-ka iyo horumarka dalka.

Shirkan oo wajigiisa labaad maanta galay sidoo kalena caawa la soo gaba gebeeyay ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyada oo Madaxweynaha khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay abaal u hayso dhammaan qaybaha caalamka ee dowladda kala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.