Shirka Gollaha Wasiiradda Jubbaland, oo ah Shir Todobaadkiiba   Mar Ay Yeeshaaan Wasiiradda dawlad Gobolledka Jubbaland, Ayaa Maanta Oo Axad Ah Waxaa Shir Guddoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo Kalle Waxaa Shirka Qeeyb Ka Ahaa  oo shirka Joogay labada madaxwayne ku Xigeen ee dowllad Goboleed-ka Jubbaland .

Shirkaan Ayaa Waxaa Looga Hadlay Xaaladda Guud Ee Siyaasadda Iyo Amniga Dalka, Dhaqaallaha Iyo Arimaha Bulshada.

Waxaa Sidoo kale  Laga warbixiyay Daddaaladii  Gudigga Baarlamaanka  Aqalka Sarre Dalka Wadeen Ee lagu Xalinayay Qilaafaadkii U dhaxeeyay Dawlada Federaalka Soomaliya,Iyo Dawlad Goboleedka Dalka ka jirra.

Shirka Ayaa Sidoo Kalle Warbixinno Looga Dhagaystay  Qaar ka mid ah Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka iyo Xannanada Xoollaha ee Jubbaland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland Cabdi Xussien Sheikh Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Jubbaland Ayaa ka warbixiyey Qorshayaashii manta looga hadlay shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland.

Wasiirka wasaaardda Warfaafinta ayaa sheegay in  Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  ugu baaqay Gudigga shaqadda iyo shaqallaha Jubbaland in mudnaanta 1-aad la siiyeyo dhinaca shaqadda dadkii mudadaa dheer sidda Iskaa ah ugu soo shaqaynaayey dowllad Goboleedka Jubbaland .

Ugu Dambeeyn Wasiirka Ayaa Waxa Uu baaq udiray Idaacadaha Kahawlgalla Jubbland EE Madaxa Banaan Islamarkaana Baahinaya Wararka aan Xaqiiqda Waafaqsaneeyn Inay ka dig Toonaadaan wararka been Abuurka ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.