Waxaa Magaalada Adis Ababe ee Dalka Itoobiya ka dhacay shir ay yeesheen madaxda dowladaha ku Midoobay urur goboleedyada IGAD,kaasi oo heshiis ay ku gaareen Madaxda South Sudan.

Dowlada Soomaaliya ayaa Waxaa Shirkan ugu qeyb galay Maxamed Cabdullahaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada saxiixeen Madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu soo afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

Heshiiska ayaa dhigaya in Mr Kiir uu ahaan doono madaxweynaha, halka Mr Machar uu ka mid noqon doono shan madaxweyne ku xigeen.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalkii fududeeyay in heshiis ay gaaraan dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.