Shirkada Soma Oil iyo Gas oo laga leeyahay dalka ingriiska oo baarta Shidaalka Soomaaliya ayaa magacoodii u bedeleen Coastline Exploration sida uu shaaciyay wargeyska Financial Times.

Shirkadda Soma Oil iyo Gas oo gudoomiye u ahaa Michael Howard ayaa la aas’aasy 2013kii, waxaana islamarkii shirkadaan heshiish Mad-madow iyo mugdi badan ku jiro la galay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Mahamud, taas oo keentay inuu Xassan Sheekh shirkada Soma Oil iyo Gas u wareejiyo 90% shiidalka Soomaaliya.

Waxaana xiligaa RW dalka ka ahaa Cabdi Farax Shirdoon oo sii cad ugu soo hor jeeday heshiiska xaraanta ah oo uu saxiixay Xassan Sheekh, waxaana dhacday in xilka laga qaado Shirdoon iyadoo lagu bedelay RW cusub maadaama uu Shirdoon halis ku ahaay danaha ay Reer Galbeedka ka leeyihiin Soomaaliya.

Xassan Cali Khayre oo Ra’iisal Wasaare hada ka ah Soomaaliya ayaa hore uga tirsanaa Shirkada Soma Oil iyo Gas, waxayna dad badan aaminsan yihiin in loo magacaabay RW siduu u ilaaliyo danaha Soma Oil iyo Gas madaama ay saraakiil Ingris, Mareykan iyo Ruush sameyn weyn ku leeyihiin shirkada Soma Oil iyo Gas oo 90% shidaalka Somalia gacanta ugu jiro.

Sidoo kale tuhun weyn ayaa kujiro inuu Shirkada Soma Oil iyo Gas sabab u ah degenaasho laanta ka jirto Soomaaliya siidi loo ilaaliyo danaha gurucan ay Reer Galbeedka ka leyihiin Soomaaliya, madaama u madaxweynahii hore Xassan Sheekh u saxiixay 90% shidaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha hada ka jiro dalka Xassan Cali Khayre loo magacaabay kursiga siida u ilaaliyo danaha Soma Oil iyo Gas.

Halgan Media.