Sawir : Axmed Vision

Baaritaan ay samaysay Halgan Media waxaa la ogaaday qaybabadan oo kamid ah cayayaanka baraha bulshada (CBB) da ee maalmihi danbe TROLL gareeyay Twitter ka uu tifaftire ahna qofka qaybiya warka la buun buuninayo yahay Ahmed Vision.

Ahmed oo ah shaqsi ku dhuunta caawinta dadka, sida dhalaanka, haweenka iyo shaqo abuurka ayaa lacago badan ku lunsaday ololoha noocaan ah, hada wuxuu u wareegay in dhanka siyaaada uu sidii oo kale ka sameeyo si uu uga sameeyo lacago badan. Axmed wuxuu caan ku yahay jiliinka qof fiicaan oo bulshada u adeego inuu yahay, balse taa badalkeed wuxuu isku Qariyaa boorka.

Kadib markii ay Halgan Media heshay in Ahmed Vision ka danbeeyo TROLLS cayda iyo buunbuuninta ee Twitter ka socda, waxay baaris ku samaysay dhaq-dhaqaaqa cinwaankiisa 58 di maalin ee ugu danbaysay.

Sida ka muuqata sawirka kore Ahmed wuxuu labadi bil ee ugudanbeeysay kadib magacaabistii Ra’isal Wasaare Rooble bilaabay inuu aad u buun buuniyo ama warbixino been abuur ah faafiyo, heer Total Retweets kiisa ay gaareen 2,906 taas oo dhamaanteed ahayd tweets la rabay in dadka la gaarsiiyo simaankooda loo badalo.

Hawsha uu u xil saarnaa Ahmed ayaa ah samaynta/abuurida warbixinada  (#SPF2020) la faafinaayo iyo inuu ku RETWEET gareeyo cinwaankiisa saxda si dad badan ay u arkaan, maadaama dad badan ay ku xiran yihiin.

Sida ay sheegeen saaxiibadiisa Axmed ayaa ah nin aad u lacag jecel, waxay sidoo kale sheegeen inuu musuq maasuqay lacago tiro badan oo gar gaar loogu dhiibay dhowr GOFUND uu sameeyay, sidaas darteedna uusan wax jixin jix ah ka galaynin inuu ka macaasho been abuurida iyo faafinta borobogaandada ka dhanka ah siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka hada taliya.

Sidoo kale waxaa la helay kooxda ku dhex jirta xafiiska Ra’isalWasaaraha ee qaybta wayn ka qaadanaya faafinta been abuurka, waxayna si dhaw ula shaqeeyaan Axmed Ibraahim (AxmedVision).

Qayba kamid ah screenshots laga soo qaaday WhatsApp groupkooda oo ay Halgan Media heshay iyo number da ay isticmaalaan:

Ragaan waxaa kamid eh Abdurahman ShariifTwitter:@AbdurahmanShar, Omar Mohamed Osman Twitter: @omarrarb iyo Tubeec Dahir Twitter: tubeec_dahir,

Wixii ku soo kordho kala soco Halgan Media.