Macluumad qarsoodi ah oo ay heshay Halgan Media ayaa cadeeynayo in xukuumada Nabad Iyo Nolol weli ay ku daba jiraan mar habaabinta shacabka Soomaaliyeed, sidii ay u gaari lahayeen damacooda guracan.

Xogta xasaasiga ah oo ay Halgan Media ka heshay qaar kamid ah xubnaha ku jiro WhatsApp group-ka u qaabilsan buunbuuninta shirka saaka ka furmay xerada Xalane loo yaqaano Somalia Partnership Forum (SPF) ayey Halgan Media gacanta ku dhigtay.

Fariimaha ay is-dhaafsadeen kooxda ku jirto WhatsApp group-ka ayaa xaqiijineyso sida ay shaqaalaha xafiska Ra’iisal Wasaaraha uga shaqeynayaan sidii aad loogu buunbunin lahaa shirka ay xukuumada Nabad Iyo Nolol kula qateen beesha calaamka si shacabka looga mashquliyo in cadaadis laga qaaday madaxda dowlada federalka oo kala ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo Iyo Maxamed Xusen Roble.

Hoos waxa ku sawiran qaar kamid ah Screenshots laga helay fariimaha ay is-dhafsadeen raga ku jiro WhatsApp group-ka, waxaana ku jiro Tubeec Dahir iyo Omar Osman Maxamed oo ka shaqeeyo xafiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyo Liibaan Bulle oo ah wiil dhalinyaro ah kuna caan ah isticmaalka baraha bulshada oo la laaluushay si uu kaga qayb galo buunbuninta shirka udhaxeya saaxiibada somalia iyo xubnaha Dowlada Federalka.

Sido kale waxa ay Halgan Media u suuragashay in ay gacanta ku dhigto cod uu Tubeec Dahir oo kuso rebay group-ka WhatsApp u qabilsan shirka Somalia Partnership Forum, asaga oo codsanayo in barta Twitter laga buunbuniyo shirka saaka ka furmay Muqdisho, waxaana hoos ka dhageysan kartaa codka oo dhameystiran kasoo laga helay Tubeec Dahir.

Codka waxa dhageysan kara si sahlan cid walba, adigo isticmaalaya : Android ama IPHONE. Hadi uu codka kuso bixi waayo, fadlan waxaan ka codsana inad isticmaashid Labtop ama Computer si uu kugu shaqeeyo codka oo dhameystiran kasoo ah mid Xasaasi ah

 

Halgan Media.