Wararka naga soo gaaraya Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Gudaha dalkaas dil iyo dhaawac loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa ku Ganacsada dalkaasi Koonfur Afrka.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Muwaadin Soomaaliyeed waxa ay ku dileyn Magalada Cape Town halka Saddex kale oo isla Soomaali ah ay dhaawacyo culus u geysteen.

Mid ka mid ah dadka ku nool dalka koonfur Afrika ayaa Dalsan u sheegay in dilka iyo dhaawaca Ganacsatada soomaalida loo adeegsaday Baangado,isl markaana Isbitaalka loola cararay dadkii la dhaawacay.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay Wadamada ugu badan ee lagu dhibaateeyo dadka soomaaliyeed ilaa iyo hadda majirto cid iska xil-saartay wax ka qabashada dilalka dalkaas loogu geysanayo Soomaalida.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.