Ciidanka difaaca hawada Boqortooyada Sacuudiga ayaa hawada ku burburiyay laba gantaal oo ay Maleeyshiyaadka  Xuutiyiinta Yeman ku Tuureen magaalooyinka Dhaaif iyo Jeddah oo labaduba ka tirsan mandiqada Maka Almukaram.

Ilaa hadda wax tafaasiil ah lagama bixin  haddii ay jiraan wax khasaare oo nafeed ah oo ay geysteen gantaaladaasi ay ka hortaga sameeyeen Ciidanka difaaca hawada ee Sacuudigsa.

Kooxaha u dhaq –dhaqaaqa Nabadda ee Sacuudga ayaa bartooda Twitarka ku sheegay  in ujeedka labadaasi Saaruukh ay soo tureen Xuutiyiinta uu ahaa inay la beegsadaan magaalada Barakeysan ee Maka al-mukarama waxaana markii la soo ridayay gactaaladaasi lagu arkayay muqaal Vidiyow oo laga duubay qeybta waqooyi ee Gobolka Daif.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.