Taliyaha Booliiska Itoobiya oo magaalada Addis Ababa warfidiyeenka kulahadlay ayaa ka dayriyay amniga guud ahaan wadanka gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Addis Ababa.

Taliyaha Booliiska Itoobiya Jamal Zinu oo shir jaraa’id kuqabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in meelo badan oo wadanka ah ay dhibaatooyin dhinaca amaanka ah kajiraan.

Jamal Zinu oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay lasoo baxeen hub aad ubadan oo awal xaraysnaa, wuxuuna intaas kudaray in ay shacabku amaan xumada wadanka qayb wayn kayihiin, ama ay iyagu sababeen.

Jamal Zinu Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in Gobolka Binshangu uu yahay midka ugu daran xiligan lataagan yahay, wuxuuna sheegay in dagaal beelo kusalaysan uu halkaas aafeeyay, isagoo xusay in dagaalada qoomiyaduhu ay meelo badan kajiraan.

Taliyaha Booliiska Itoobiya ayaa sheegay in ay wax kaqaban doonaan amaan xumada wadanka kusoo badanaysa wuxuuna sheegay in aysan u dulqaadan doonin cidkasta oo amaan xumada wadanka kaqayb qaadata.

Dhinaca kale Baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in ay sameeyeen qorshe wax lagaga qabanayo amaan xumida wadanka, waxayna Baarlamaanku sheegeen in loobaahan yahay in laga hortago inta aysan dhibaatooyinku dhicin.

Xigasho : Ogaden News Agency