Wararka naga soo gadhaya Koonfurta Soomaaliya gar ahaan gobolka Gedo ayaa sheegaya in loo qaaday gudaha itoobiya qaar ka mid ah maamulka Jubaland.

Waxaa ka mid ah ragga safarkaas galay,gudoomiyaha degmada Luuq Maxamed Gardhuub iyo kuxigeenkiisa Aadan Kurey,Gudoomiyaha degmada Balad xaawo Cabdicasiis Xareed gudoomiyah degmada Doolow iidle Xasan Hire, Axmed ilkadheere, iyo Jamaal Xasan sarey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka degmooyinkaas.

Waxaana maanta gadhaay Addis ababa wafdi uu hogaaminaayo taliyaha sirdoonka fahad yaasiin, asaga oo kulan la qaadan doono ragga aan kor ku xusnay waxaa la hordhigi doonaa raggaan qorshaha dowlada federaalka ee ah in aan la aqoonsanayn Axmed madoobe waxaa la siin doonaa awaamiir cadcad oo qeexaayo nadaamka dowlada ay doonayso oo ah in ciidanka maleeshiyaadka ah la qarameeyo, kadibna deegaankana loo samayn doono maamul ka amar qaato Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyo ayaa xaqijiyay boqooshada Fahad Yassin oo ku tagaay Addis Ababa ayaa lagu talagaalay inuu xukuumada Abiy Ahmed ka dalbaado tageero buuxda ku aadaan mamuulka cusub laga dhiisi doono gobolka Gedo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.