Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay Ganacsato Soomaaliyeed lagu weeraray qayba kamida dalkaasi, iyadoo wararka ay intaa ku darayaan in qaar kamid ah ganacsatada ay soo gaaren dhawaacyo halis ah.

Sida aan xogta ku helnay, labo Ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa xalay lagu dhex xabadeyay tukaan ay ka shaqeynayeen oo ku yaalo degmada Kalemon eehoos tagto magalada Cape Town.

Labo ruux oo weerarka lagu dhawacay ayaa la kala yirahdaa Xuseen Bukurow iyo Xasan Cabdixad, waxaana la sheegay in mid kamida ah Ganacsatada uu dhaawaciisu daran yahay.

Kooxda hubeysan ee begsatay ganacsatada ayaa goobta ka baxsatay weerarka kadib, waxaana wax yar kadib goobta soogaaray Askarta.

Dhinaca kale, sedax (3) Ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa xalay lagu dhawacay weerar ka dhacay degmada Ntuzuma-Lindelani oo 27 kilomitir u jirto magaala xeebedka layiraahdo Durban.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa Halgan Media u xaqijiyay in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ay gudaha ugaleen goob ganacsi ay ku sugnayeen ganacsatada Soomaaliyeed, islamarkana ay xabad ku fureen, kadibna tukaankii ay dhac ugeysteen, iyagoo wiilasha dhawacoda ay yaleen tuukanka dhexdiisa in mudo ah.

Sanadkan sii dhamanayo ee aanu ku jirno ee 2020ka ayaa noqonayo kamid kamida sanadihii ugu xumaa ee dil iyo dhawac loo geysto soomalida ka ganacsata dalka koonfur afrika, taas oo keentay in ugu yaraan 34 wilal Soomaliyeed ah una badan ganacsato lagu dilay dalka gudihiisa sanadkani, Halka inta dhawaaca loo geystayna ay ka badan yihiin intaa.

Halgan Media