Wararka nagasoo gadhaay Ogadenia ayaa sheegaya inay weli kasocdo tacadiyada ay geysanayaan ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee dhulkaas xogga ku heysta. Waxaa lasoo sheegayaa xadhig iyo raaf bahsaan kasocdo magalaada Diridaba ee gobolka Shiniile.

Goobjoog kusugaan magalaada Diridaba gar ahaan xafaada Sheekh Xabib ayaa idacaada Halgan Media u Xaqijiyaay inay ciidamada Itoobiya xireen ugu yaraan 55 qof. Dadka la xiray waxa kamid ciyaal iyo dad wayeel oo waxba galabsanin. Tacadiyadan wuxuu bilabaay kadib markii ay shacabka Somalida iska ceeliyaan maleeyshiyaadka Oromada iyo shacabka Oromada oo kusoo dulaay magalaada Soomaaliyeed ee Diridaba.

Waxaay u badan tahay inuu sii kordho tiraada dadka la xiray, waayo weli rabsho iyo dagaalo ayaa kasocdo magalaada Diridaba gar ahaan xafaada Sheekh Xabib iyo Gandagrada.

Magalooyinka ama tuuloyinka Somalida kutallo xaduudka udheexeyo Ogadenia Iyo gobolka Oromada waxaa marwalba weerar la begsaado maleeyshiyaadka Oromada lakiin markii ay shacabka Somalida iska ceeliyaan maleeyshiyaadka Oromada, waxaa maleeyshiyaadka Oromada u soo heeliyo ciidamada cadowga Itoobiya.

Warkan Iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.