Urur goboleedka IGAD ayaa shaqo joojin ku sameeyay Jeneral Gabre oo ka mid ahaa la taliyeyaasha Madaxda Urur goboleedka IGAD Sidda ay lagu shaaciyay Warqad kasoo baxday Urur goboleedka IGAD.

Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in Gabre laga doonaayo in uu si deg deg ah u wareejiyo wixii waraaqo iyo qalab ah ee uu haayo.

Gabre ayaa kasoo jeedda dalka Itoobiya , waxaana dhowr jeer lagu eedeeyay in uu yahay ninki xasuuqay kumanaan shacab markii ay ciidaamada gumeysiga itoobiya kuso duleen jamhuuriyada Soomaaliya 2006-dii.

Jeneral Gabre  ayaa hadda laga joojiyay shaqadii La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda Xoghayaha Guud ee IGAD.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.