Ururka ANDM ee talada Gobolka Axmaarada ayaa gaashaanka kudhuftay xuduud beenbeenaadii ay kooxdii TPLF usamaysay Gobolada wadanka gaar ahaan xuduuda loosameeyay Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya.

Xubnaha Golaha dhexe ee ururka ANDM oo kalfadhigoodii caadiga ahaa uu shalay furmay ayaa kadooday caqabadihii haystay sanadihii lasoo dhaafay iyo xuduuda aan sharciga ahayn ee loosameeyay Gobolka Axmaarada.

Xubnaha kalafadhiga kasoo qayb galay ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay xuduudii ay dhigeen maamulkii wayaanaha ee wadanka ka arimin jiray kuwaas oo sida ay hadalka udhigeen kala qaybiyay Gobolka Axmaarada isla markaana dhul badan oo muhiim ahaa kudaray Gobolka Tigrey.

Ururka ANDM ayaa Raysal-wasaaraha cusub ka codsaday in uu baabi’iyo dhamaan xuduudii xaqdarada kusalaysnayd ee lagu kala gooyay dad isku hayb iyo isku deegaan ah, waxayna carabka kudhufteen dhulka Axmaarada ee laqaatay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.