Waxaa lagu wadaa in uu dhawaan qabsoomo shirwaynihii isbahaysiga talada wadanka Itoobiya haya ee EPRDF, kaas oo si kaduwan sidii hore loogu kala aragti duwan yahay hada, waxaana laga cabsi qabaa in lagu kala guuro.

Shirkan oo sida lagu wado dhici doona dabayaaqada bisha Sebtember ee soosocota ayaa lasheegayaa in afarta urur ee isbahaysigan kujirta ay kukala aragti duwan yihiin, waxaana lasheegayaa in qaar ururada kamid ah uu doonayo in isbadalka Itoobiya kadhacay lala jaanqaado halka kuwo kalana ay doonayaan in uu xaalku sidiisii ahaado.

Ururka TPLF oo ahaan jiray gacanta midig ee isbahaysiga bilo kahor ayaa isagu doonaya in dhaqanka ururku uu sidiisii ahaado oo aan waxba laga badalin, wuxuuna ururku eedeeyay Abiye Axmed iyo siyaasadiisa cusub ee furfuran taas oo aan dhaqan u ahayn ururka EPRDF.

Dhinaca kale Ururka OPDO oo isagu ah midka talada wadanka qabtay ayaa doonaya in la hirgaliyo qorshayaasha uu Raysal-wasaaraha cusub soojeediyay waxayna taageerayaan in meesha laga saaro dhaqankii guracnaa ee kooxda TPLF ay umada kumaamulaysay 27dii sano ee lasoo dhaafay.

Ururka ANDM oo Axmaarada matala iyo Ururka SPNP oo matala shucuubta koonfureed ayaa iyaguna kukala qaybsan sidii isbadalka loola jaanqaadi lahaa waxaana lafilayaa in uu raysal-wasaaruhu kuyeesho saamayn si ay isbadalka ula jaanqaadaan.

Kala aragti duwanaanta ururada isbahaysiga kujira ayaa aqabad ku ah qorshayaashii Raysal-wasaaruhu uudoonayay waxaana laga cabsi qabaa in khilaafku uu siisiyaado kadib markuu shirku qabsoomo dhamaadka bisha soosocota ee September, ama bisha Maskaram ee tirsiga Itoobiya.

Shirka ayaa sida lasheegaya lagu qiimayn doonaa gudiga fulinta ee EPRDF, waxaana lagu wadaa in qiimayntaas kadib rag badan lala kici doono kuwaas oo ubadan xubnaha kasoo horjeeda isbadalka uu wado Abiye Axmed iyo ururkiisa OPDO.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.