Qoraal uu soo dhiga bartiisa twitter-ka ayuu Donald Trump gebi ahaanba ku joojiyay wadahadaladi u dhexeeyay Maraykana iyo Ururka Taalibaan ee Afqanistaan ee ka socday magaaladda Dooxa ee Qadar.

Sababta uu joojiyay wadahadalada ayuu ku sheegay inay la xiriirto ka dib Markii Taalibaanku ay qirteen weerar dhawaan ka dhacay Caasimadda Kabul kaasi oo uu ku dhintay askari Maraykan.

Qayb ka mid ah heshiiska ayaan dhigaysay in Maraykanku uu kala baxo Afqanistaan 5,400 askari muddo 20 toddobaad ah. Maraykanka waxaa dalkaasi ka joogta 14 Kun oo Askari.

Tan iyo markii Maraykanka iyo Taalibaan ay bilaabeen wadahadalada waxay yeesheen 9 Kulan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.