Wafdi ka kooban 20 xubnood oo ka socda hoggaanka sare ee ONLF ayaa Sabtida soo socota oo ku began 1-da December ku wajahan dalka Ethiopia.
Xubnahani ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cismaan, sida uu sheegay Afhayeenka ONLF Caddani Hirmooge.
Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay Ciidamada ONLF ku laabteen magaalada Jigjiga, iyagoo ka soo guuray xeryahooda dalka Eritrea.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.