Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka kooban 16 hoggan iyo 4 Xabsi oo talisku sii toos ah u mamulo, iyadoo dowladdu ay u qoondeysay bil kasta lacag dhan qiyaasti ugu yaraan $40,000 iyo $62,000 ugu badnaan oo adeeg (running cost).

Lacagtaas markii hore waxaa lagu fulin jiray hogganadan adeegoda waxba ka soo gaari jiray, hoggan kasta waxaa ku qoran madax, ilaa inta uu yimid Taliyaha ciidanka Asluubta ee isaga qadanayeey xata xafiisyada T/xigeenada waxba lagama siiyo.

Markaa ay xisaab xirka timaado wuxuu ku kasban yahay hogganka maaliyadda, in form-ka xisaab xirka ay buuxiyan oo ay ku buuxiyan in hoggan walba adeegiisa la siyay.

Hadaba haddii xafiiska Hanti-dhowrku yahay mid uu adeegaya ummadda Soomaaliyeed iyo Qaranka waa in ay arinkas soo faragaliyan oo baaran Wasaaradda maaliyaddana waxaaa laga codsanayaa inay soo fara galiso.

Waxaa sidaas sheegay sarakiil ka gaabsaday in ay magacooda sheegan sababo la xirira amnigooda iyo shaqadooda.

Halgan Media