Wasiirka Gaashaandhiga ee dowlada federalka Itoobiya, Lemma Megersa ayaa safar ku tagaay magalaada Paris ee dalka France siida ay sheegtay idacaada FANA oo ku hadasho afka dowlada federalka Itoobiya.

Booqashada ayaa lagu sheegay in la xoojiyo xariirka u dhaxeeyo labada dal ee Itoobiya iyo France, sidoo kale dowlada France ayaa Cadowga Itoobiya ka balan qaaday inay u dhisayaan ciidanka badda taas oo halis ku ah Jamhuuriyada Soomaliya.

Wasiirka Itoobiya u qabilsan France, Henok Teferra ayaa warbahiinta la hadlay, wuxuuna sheegay inuu wafdiga hogaminayo Lemma Megersa la kulmi doono Madaxweynaha France Emanual Macron.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco shabakada Halagn Media