Wasir kuxigeenka Xafiiska beeraha ee mamuulka Somali Galbeed, kana soo jeeda Gobalka Afdheer ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka.

Sida wararku sheegayaan Xoghayaha ayaa sababaha uu isku casilay ku sheegay duruufo adag oo u saamixi waayay, kuna sii wato shaqadii uu hayay, balse ma aanu sheegin duruufahaas

Wararka qaar ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay la xiriirto Kacdoonka iyo banaanbaxyada kasocdo gobolka Afdheer oo lagu hor jeedo Taliska Mustafa Cagjar iyo mamuulka Jigjiga.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.