Wararka nagaa soo garaaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ayaa gor dhow weerar qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Weerarka ayaa la sheegay in lagu qaaday munasabada ciida ka socday xafaada Waberi, halkaasi oo illaa iyo laba Bam Gacmeed lagu tuuray, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Waxaana la sheegay in qaraxa Bam Gacmeedka kadib, ugu yaraan illaa 4 Qof oo Rayid ah ayaa ku dhintaay weerarkaasi. Dadka ku dhintay Weerarka waxa kamid Guddomiyaha ururka haweenka degmada Diinsoor oo magaceeda lagu soo koobay Baarlin.
Weli ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ee mamuulka Koonfur Galbeed ka soo saareen weerarkaasi.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.