Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar ka dhacay gudaha degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Madaafiicda oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa Al Shabaab ay sheegeen in ay la beegsadeen xero Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Halgan.

Al Shabaab warkan ku sheegay in khasaare uu ku dhashay weerarkaasi, inkastoo aysan shaacin inta uu la’egyahay.

Ilo deegaanka ah oo u warramay Halgan Media ayaa sheegay in Madaafiicdaasi qaarkood ay ku hoobteen Xerada Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin halkaasi.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in saakay howlgallo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadka ay ka wadaan magaaladaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada Ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin Koonfurta yo bartamaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.