Kooxo hubeysan ayaa sakaay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday fariisimo Ciidamada Dowlada Federalka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Ginshi oo ka tirsan galbeedka gobolka Shawa ee ismamuulka Oromada.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu qaaday xarun Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bartmaha degmada Ginshi  ee ismamuulka Oromada, halkaasi ay ku dhawaacmeen ugu yaraan laba Askar, sida ay sheegen idacaada FANA oo ku hadasho afka dowlada Federalka Itoobiya.

Waxaana la sheegay in qaraxa Bam Gacmeedka kadib, rasaas laga maqley xerada, taas oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada dowladda iyo Raggii soo qaaday weerarka.

Weli ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ee Dowlada Federalka Itoobiya ka soo saareen weerarkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa weeraro gaama ah lagu qaadayay fariisimaha Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha Ismaamulka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.