Wararka imaanaya Deegaano ka tirsan Gobolka Nogob ayaa sheegaya in shacabka ku nool deegaanada ay biyo la’aan ku haysato Gobalkaasi.

Biyo yari aad u daran oo saameyn ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay qaar ka mid ah degaanada katirsan gobolka Nogob,iyadoo Biyo la’aantaasina la sheegayo in haatan ay gaarsiisan tahay heerkii ugu adkaa.

Shacabka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in ku adag tahay helida isticmaalka biyaha oo nolasha aadanaha muhiim u ah, waxaana ay sheegeen in qiimaha la siisto biyaha ay sare u kacday.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.