Xerada Qoloji wuxuu kuyalla Galbeedka dalka Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan, waa xero Qaxooti ay kunool yihiin dad rayid oo garaayo Ugu yaraan boqool kuun. Dadkaan waxa dhulkood ka barakiciyay maleeyshiyaadka Oromada oo marwalba weerar kuhaayo shacabka Somalida kudhaqaan xaduudka udheexeyo Ogadenia Iyo Gobolka Oromada.

Dad degan xerada Qoloji oo la hadlay idacaada Halgan Media ayaa sheegay inuu caafimad darro iyo baahi ka jiro Xerada. Wuxuu sii sheegay in xerada uu bahanyahay in la soo gaarsiiyo dawooyin iyo Qalaab caafimaad.

Hayaad ama mamuul ma jirto caawiya dadka ku dhibataaysan Xerada Qoloji kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada xoolada iyo hantiida ka boobeen shacabka Somalida iyo dhulkooda kaasi barakiciyeen. Dadka kunool Xerada Qoloji ayaa sheegay inuu Xerada ka jirta dhibaatooyin kala duwan oo haysaata dadka shacabka ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.