Qar kamid dadka ku dhaqaan degmada Shilaabo oo la soo xidhiidhay shabakada Warbahiinta Halgan Media ayaa sheegaya in bishaan barakaysan ee Ramadan ay la kulmayaan caqbado kala duwaan oo samaayn weyn ku yeeshay dadka degaanka.

Shilaaabo waa magaalo qadiimiya dhibaatooyin badana uu gumaystuhu u gaystay Shilaabo waxaa kamid ah in la gubay tiro sadex (3)  jeer haaatan waa magaalo baaxad wayn una qalanta gobal in laga dhigo balse talis yadii is daba xigay ayaa la hadhay kana saaray meesha.

Adeega caafimaadka oo ku filan Shilaabo maa hesho, waxaa hoos imaaada magaaladan tuulooyin iyo santaro badan ku waas oo aan helin adeega aas aasiga ah ee caafimaadka waxaana adeeg bixiya hal xarun oo ku taala magaalada gudaheeda tas oo aan ku filayn dadka dagan magaalada mana haystaan shaqaaluhu qalabkii loogu talagalay in loogu adeego shacabka.

Sii kastaba ha ahaatee adeegyada caafimaadka ayaa maraya meel aad u hoosaysa marka loo eego maqaamka magaalada oo ah mid wayn qarni ahaan iyo muuqaal ahaanba iyo dadka ku nool magalaada oo tiro badan.

Dhinca kale adeegyada Koroontada (laydhka) degmada Shilaabo maa heyso, walaw horaan tii ay lahayd laydh 6 saacadood ah balse intii yareed ayaa laga xidhay mana jirto wax laydh ah oo hada u iftiima degmada walaw lagu jiro xiligii loogu baahi badnaa oo ah bishii Ramadaan hadana dadku mahelaan Koroonto ay wax ku Qaboow sadaan, waana nasiib daro aad u wayn oo haysata degmada shilaabo

Siido kale Adeega biyaha shilaabo laga soo bilaabo mudo dheer oo laga joogo 5 sano mahesho biyo nadiif ah waxaana xilgaas hore ka jiray ceel biyood laga dhaxlay dawladii hore ee Haile Selassie waxaana magalada biyo u ah ceelasha gacana looga cabo iyo baliyada (harooyinka) mana laha biyo xidheeno ay ku kaydsadaan biyaha roobka ee macaan si kastaba ha ahaatee Shilaabo mahesho wax biyo nadiif ah xiliyada roobka xiliyada aan roob jirina kuwa nadiif ah iyo kuwa kale midna mahesho waxaana shacabka ka dhamaatay cabashadii iyo codsigii ku socday xukuumada DDS walina wax biyo galin ah looma samyn

Gud ahaanba gobolka Qorahay waxaa kasocdo aqbaadyo oo nucaan oo haaya dadka shacabka, mana jirto dowlada ama mamuul u maqaan.

W/Q : Nuur Abbas – Wariyaha Halgan Media u qaabilsan Shilaabo, Qorahay