Ugu yaraan todoba Kiniisadood oo ku yaala deegaanka Qalito oo ka tirsan gobolka Shucuubta Koonfureed ayaa la Weeraray. Kiinasadaha ayaa dab la Qabadsiiyay Maalintii Axada Halka Kuwo kalana la burburiyay.

Deegaanka ay Rabshaduhu ka dhaceen ayaan looga Baran in Rabshado noocan oo kale ah in ay ka dhacaan, waxaana uu ahaa degaan Degen, Balse Rabshadahan cusub ayay warbaahinta dowladda Itoobiya sheegaysaaa in ay ka  dhasheen markii warar been abuur ah lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayo in Tiro Masaajido ah la weeraray.

Sanadkii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Shucuubta Koonfureed waxa ka dhacay Dagaalo Waawayn oo u Dhexeeeyay Qomiyadahq wada Daga Gobolkaas, Colaadahaas Waaxa Ku Barakacay Dad Gaadhaya Tobanaan kun oo Qof.

Itoobiya waxaa kuso noq-noqonayay Rabshadaha iyo isku dhacyada Hubaysan ee u dhexeeya Qomiyadaha Kala Duwan ee Wada Dega  itoobiya. Iyadoo Mararka Qaarna ay Maamuladu isu eedaynayeen Hurina Colaadaha isirka ku Saysan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.