Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii 14 October 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Xunbaha Golaha Wasiirrada ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheledii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.
Kulankaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sidoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadka ku dhibaatoobay qaraxada.
Warkan iyo wixi kasocdo kalasoco Halgan Media.