Xiisad dagaal oo u dhexeysa laba Maleeshiyo Beleed ayaa maanta ay ka taagan qabalaha Dalanbiya oo hoos yimaado degmada Shilaabo ee gobolka Qorahay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad fara badan ay buux dhaafiyeen gudaha deegaankaasi.

Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qabalaha Dalanbiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.