Xiisad dagaal oo u dhexeysa laba Maleeshiyo Beleed ayaa maanta ay ka taagan deegaanka Elele ee gobolka Shabelle.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad fara badan ay buux dhaafiyeen gudaha deegaankaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay gobolka Shabelle waxaa ka taagnaa dagaal Beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaankaasi Elele.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.