Wararka laga helayo gobolka Qorahay ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay  qabalaha Lasoole Oomane oo hoos imaado degmada Shilaabo ee gobolkaasi.

Xiisada ayaa la sheegay in u dhexeyso maleeshiyo Beeleed Walaalo ah oo wada daga halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa in ay salka ku heyso xiisadaasi aanooyin Qabiil.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Halgan Media ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan qabalaha Lasoole Oomane.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Shilaabo oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo nabadeed oo lagu xalinayo xiisadaasi.

Gobolka Qorahay ayaa waxa ku soo noq noqda dagaal Beeleedyada ka dhaca gobolkaasi, iyadoona waxyeelo ugu badan ay ka soo gaarto dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.