Wararka saakay nagasoo gaaraya degmada Dhanaan ee gobolka Shabelle ayaa sheegaya in xiisad xoogan ka taagan tahay xaafaado ku yallo deegaankaasi.

Sida aan xogta ku helnay laba beelood oo walaalo ah ayaa dhul isku heysto, waxayna arintan sababtay inay labada dhinac xiisad ka dhex abuuranto.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laga cabsi qabo in xiisada u dhaxeeso labada beelo isku bedesho dagaal hadi aan xal loo helin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.