Xiisad dagaal oo u dhexeysa laba Maleeshiyo Beleed ayaa maanta ay ka taagan deegaanka Ismoday ee gobolka Doolo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad fara badan ay buux dhaafiyeen gudaha deegaankaasi.

Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaankaasi Ismoday.

Dagaal Beeleedyada ka dhaca gobolka Doolo ayaa had iyo jeer soo laa laabta, kuwaas oo ay waxyeelada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi.