Wararka laga helayo galbeedka gobolka Sitti ayaa ku warramaya in saaka xiisad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka tuulada Coble ee gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan, una dhexeysa ciidanka ismamuulka Canfaarta iyo Maleeshiyo Beeleed kasoo jeedo tuulada Coble ee gobolka Sitti ayaa laga dareemayaa.

Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamada Ismaamulka Canfaarta kasoo gudbeen xaduudka u dhaxeeyo Ismamuulka Canfaarta iyo Somali Galbeed, kadib dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal  uu ka qarxo halkaasi, waayo Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan duleedka tuulada.

Ammaanka Xadka u dhaxeeyo Somalida iyo Canfaarta ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid kacsan, iyadoona Maleeyshiyaadka Canfaarta siyaabo kala duwan ay dilal uga geysteen Shacabka Somalida degan Xaduudaha.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.