Wararka laga helayo gobolka Doolo ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Wardheer ee gobolkaasi.

Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso dadka degaanka iyo maleeyshiyaad kala taabsan guddoomiyaha cusub loo magacabay gobolka Doolo ee Cabdinasir Maxamed Cabdillah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira maamulka Gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Wardheer ee gobolka Doolo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.