Wararka laga helayo gobolka Doolo ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Wardheer ee gobolkaasi.
Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso dadka degaanka iyo mamuulka gobolka Doolo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira maamulka gobolka Doolo.
Maalmahi u dhambayay shacabka Ku dhaqaan magalaada Wardheer ayaa Qabteen banaanbaxyo ka dhan ah Mustafa Cagjar iyo Guddomiyaha cusub loo magacabaay gobolka Doolo.
Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan magalaada Wardheer ee gobolka Doolo.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.