Labo ka mid ah Xildhibaannada  baarlamaanka Ismaamulka Somali Galbeed ayaa la xaqiijiyay in Xabsiga la dhigay,kuwaas oo shalay xasaanada laga qaaday sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee Ismaamulka Somalida Cabdiwali Jaamac Ibraahim.

Xubnaha la xiray ayaa shalay xasaanada laga qaaday,waxana lagu kala magacaabaa  Nasradiin Canab iyo Farxaan Cabdi Maajuun,waxaana jirtay in tira ka dhowr jeer ah la isku dayay in xasaanda laga qaado Xildhibaanadaas,hayeeshee ay suurtoobi weysay.

Laba Xubnood ayaa waxaa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ah ka mid yihiin dad la laayay kicin Bulshada iyo Arrimo kale sida uu baahiyay Tv-ga Ismaamulka Soomaalida.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Xildhibaanadaas dacwadooda lagu qaado Maxkamad ku taalla Magalada Addis Ababa ee xaruunt Itoobiya,sida ay sheegtay xeer Ilaalinta Guud ee ismamuulka Somalida.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.