Sida ay kusoo waramayaan ilo-wareedyo aad loogu kalsoon yahay oo xidhiidh lasoo sameeyay shabakada Halgan Media ayaa sheegaya in dagaal culus oo deegaanka Guji iyo Kellem Wollega ee Ismamuulka Oromada ku dhex maray ciidanka Itoobiya iyo jabhada Oromo Liberation Army (OLA) oo ah garabka ka Go’aay Jabhada Oromo Liberation Army (OLF)

Warkan ayaa intaas ku daraya in dagaal aad u culus oo degaanka Gujji iyo Kellem Wollega uu ka qarxay. dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyaa Ciidanka dawlada Itoobiya iyo Jabhada OLA. Warkan ayaa waxaa kale oo uu sheegayaa in khasaare balaadhan uu ka dhashay balse aan wax faah faahin ah oo badan laga haynin.

Wixii faah faahin ah ee kasoo kordha dagaalkan waxaad ka heli doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.