Wararka aan ka heleyno Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya dhaq dhaqaaqyada ay ciidamada Itoobiyanka ka wadeen magalaada Baydhabo sii xoogaystay.

Ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaaro ayaa Halgan Media u xaqijiyay in maalmahi la soo dhafay ciidamada Itoobiyan aad u badan ayaa magalaada kuso qul qulay.

Siida aan xogta ka helnay, ciidamada itoobiyaanka oo magaalada Baydhabo gaaray waxaa lagu qiyaasayaa 2500 illaa 3000 oo askari, waxaana la dejiyay saldhig kuyaal dhabarka dambe ee madaxtooyada magaalada Baydhabo oo fadhiga u ah Mamuulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale ciidamada Itoobiya waxaa la socda maleeshiyaad Soomaali ah oo gaaraya 700 oo askari, waxaayna askartan yihiin kuwa ay dowlada Federalka kuso tabaabaren dalka Eritrea.

Ilo wareedyo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in maleeshiyaadka Soomaalida la socday Itoobiyaanka loo gudbiyay saldhigga dowladda Ingriiska ay ku ledahay magaalada Baydhabo ee Xaruunta gobolka Bay

Dhaq dhaaqaqyadan oo aad u xogan ayaa ku began xili habeen iyo maalin diyaarado aan la ogeyn waxa ay yihiin ay ka deganayaan garoonka baydhabo.

Dadka looma ogola in ay udhowaadaan saldhigyada melleteriga Itoobiya ku yallo garoonka balse wararka qar ayaaa sheegaya inay Xabashida isku diyarinayaan inay dulaan la mid 2006kii kuso qadaan gobolada ku yallo Koonfurta iyo Bartaamaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.