Shiirkaan oo ay ka qeyb galeen hogaanka taliska guud ee ciidamada xogga dalka ayaa waxaa loogu hadlayey ciidan la sheegey ilaa 25 askari ahaa oo ka qeyb galey difaacii weererkii lagu leyn lahaa Midowga Musharaxiinta sida laga yeelayo.

Saraakiil badan ayaa waxay soo jeediyeen in xilalka laga qaado askarta laakiin qaar ayaa waxay soo jeediyeen in loo bedelo gobolka Shabellaha Hoose oo aan shaqada laga saarin, waxaana laga duubey muuqaalo sida ay sheegen ilo wareedyo aad loogu kalsoonan karo.

24 kamid ah askartaasi wax ay kasoo jeedan beelweynta Hawiye, mida kale waa Mareexaan. Sido kale waxaa kulanka looga hadlayey in Saney Cabdulle iyo Indha Cadde gacanta lagu soo dhigo iyo in Hotelka Jazeera lala wareego, walow la isku afgartey in howshaasi aayer aayer loo kala qabto oo aan deg deg iyo hal maalin howlgalkaasi la sameynin.

kulanka waxaa kamid ahaa ragii ka hadley

1. General Odowaa Yusuf Raage

2. Korneyl Cabdi Cali Raage (Abaanduule gobolka Shabellaha Hoose)

3. Taliyaha ciidanka lugta, Maxamed Tahil Bixi iyo saraakiil kale, waxana sidoo kale ku jirey 34 wariye qeybta ciidanka ushaqeeya, kana howlgala Radio Muqdisho

Kulankaan wuxuu rasmi ahaan bilowdey 16:50 waqtiga barifa Afrika, wuxuuna dhamaaday 22:20 ee xalay.

Gobta lagu qabta shirka albaabada u xiran waxay aheyd xarunta Villa Baydhabo gaar ahaan xerada Taakuleynta Ciidanka.

Halgan Media.