Xusen Maxamed Faarax Caydiid oo ah hoggamiyo kooxeed hore, kadibna noqday ra’iisal wasaare ku xigeen xiligii dowladii kumeel gaarka ahayd ee Cabdullahi Yusuf ayaa ku wajahan magaalada Muqdisho sida ay kawar heshay Halgan Media.

Anagoo kaso xiganeyna dad aad ugu dhow Xusen Caydiid, aadna lagu kalsoonan karo ayaa ino xaqijiyay in uu Xusen ku wajahan yahay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho arbacada soo socoto tariikdhuna tahay 17ka bisha Febrayo.

Weli lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeyso safarka Xusen Maxamed Faarax Caydiid uu ku tagayo magalada Muqdisho balse dadka aan kaso xiganay Xogta ku sabsan safarkisa ayaa sheegaya in ay u badan tahay arimo la xariira siyaasada madaama uu dalka ku jiro xili adag oo kala guur ah.

Xusen Maxamed Faarax Caydiid ayaa kamid ahaa hogamiyo kooxeedkii ku loolami jiray gudaha dalka, wuxuuna noqday hoggamiyaha Jabhada USC qaybta SNA ahna madaxweynaha dowlada Salabalar ee loga dhawaqay koonfurta Muqdisho, isaga oo xilka la warregay kadib markii la dilay aabahis Jeneral Maxamed Faarax Caydiid.

Halgan Media.