Wargeyska “The Reporter” ee ka soo baxa dalka Itoobiya waxa uu maanta qoray Warbixin uu ku sheegay inay Dowladda Masar ku xadgudubtay Cunaqabataynta Hubka saaran Somalia, xilli Masar iyo Ethiopia uu ka dhexeeyo Muran ku aadan Biyo-xireenka weyn ee laga dhisayo Webiga Niil.
Wargeyska waxa uu qoray inay ogaadeen inay Dowladda Masar Shixnad Hub ah u soo dirtay Somalia bishii Feberaayo ee sanadkan 2020-ka, isla markaana ay heleen Qoraal uu Wasiirka Difaaca Somalia u qoray dhigiisa Masar oo uu ku xaqiijiyey inay heleen Hubkii iyo Rasaastii ay ku soo deeqeen.
Wargeyska The Reporter waxa uu ku qornaa inuu Wasiirka Difaaca Somalia, Xasan Cali Maxamed saxiixay Warqadaasi oo ku saxiixnayd bishii Feberaayo 29-dii ee sanadkan, taasi oo lagu cadeeyeey inay Wasaaraddu heshay 13 nooc oo Hub ah, Madaafiic iyo Rasaas ka timid Masar.
Wasaaradda Difaaca ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa inaan shixnadaasi dib loo sii iibin doonin ama aan loo isticmaali doonin shaqo ka baxsan Ciiddanka Ammaanka Somalia iyadoo aan wax Heshiis qornayn lala galo Wasaaradda Difaaca ee Jamhuuriyada Carabta ee Masar” ayuu Wasiirka Difaaca Somalia ku qoray Fariintiisa, sida uu qoray Wargeyska The Reporter.
Wargeyska
The Reporter waxa uu soo taxay noocyada Hubka ee uu sheegay inay DFS ka heleen Dowladda Masar, kuwaasi oo kala ah:
50 Gantaalada Garbaha Laga gano ee RPG 7
1,200 Qoryaha Fudue ee AK47S
25 qoryaha darandooriga u dhaca PKM (Nooca Dhexe) iyo boqol xabbo oo rasaastiisa
175 Qoryaha PKM (Nooca Fudud) iyo 700 oo rasaas,
50 Qoryaha Dhashiikaha ee dhumucdiisu tahay 12.7 milimitir
20 Qoryaha shiishka leh iyo 1,000 xabbadood,
6 unug ee Hoobiyayaasha 82 milimitir iyo 550 xabbo ee rasaastooda,
12 unug ee Hoobiyayaasha 60 milimitir iyo
636 Bistoolad.
Dhinaca kale, Wargeyska The Reporter waxa uu qoray inay Dowladda Itoobiya ka gaabsatay inay ka hadlaan Hubka ay Masar u soo dirtay Soomaaliya.